Ugu yaraan 129 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarrada ay Israa’iil ka wado magaalada Koonfureed ee Khan Younis ee dalka Falastiin.
Boqolaal qof oo kale ayaa halkaasi lagu dhaawacay iyadoo ay barakaceen qiyaastii 150,000 oo kale .
Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa sheegay in ciidamada militariga ee Israa’iil ay waddada Salah al-Din Street ee magaalada Khan Younis ku bartilmaameedsanayaan wax kasta oo dhaqaaqa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay wararku sheegayaan in la weeraray koox dhakhaatiir ah oo samatabixinayay dadka dhaawacmay.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , ugu yaraan 39,145 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza halka la dhaawacay 90,257 kale.