Iiraan oo xalay boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku garaacday Israa’iil

0
216

Dowladda Iiraan ayaa xalay boqolaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku garaacday Israa’iil, taasoo muujinaysa weerar aargoosi ah oo si weyn loo sugayay.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay in weerarka uu ahaa mid lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.
Milateriga Yuhuudda ayaa sheegay in Israa’iil iyo dalal kale ay qabteen tobannaan gantaal oo ah nooca loo yaqaan cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones, kuwaas oo lagu qabtay inta badan meel ka baxsan hawada Israa’iil.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Nentanyahu ayaa ku baaqay shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada wadankaasi markii uu billowday weerarka Iiraan.
Waxay ka dhigan tahay markii ugu horreysay ee colaadda u dhexeysa labada dal ee cadow soo jireenka ah, kuwaas oo sanado badan dhexmaray dagaal goodi gaarsiisaa inuu ka dhex qarxo.
Iiraan ayaa ka falcelisay weerar lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay dalka Syria 1-dii bishan, kaas oo lagu dilay toddobo sarkaal oo ka tirsan IRGC, oo uu ku jiro taliye sare.
Waxay ku eedaysay Israa’iil inay fulisay weerarkaasi.
Hasa ahaate Israa’iil ma aysan xaqiijin mana beenin weerarkaasi.