Iiraan oo sheegtay inay wajahaysa cadow aan u hoggaansamin anshaxa, sharciga iyo nidaam kasta

0
147

Wasiirka Sayniska ee Iiraan, Hossein Simaei Sarraf, ayaa sheegay in dalkiisa uu wajahayo cadow aan u hoggaansamin anshaxa, sharciga iyo nidaam kasta, xilli uu booqday xaruun cilmi baaris hawada sare ah oo ku taalla magaalada Tehran oo horey loo weeraray 28-kii bishii Febraayo.
Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay muuqaallo muujinaya burburka soo gaaray xaruunta, iyadoo wasiirka uu xusay in xaruun kasta oo dalka laga dhiso ay weli halis ugu jirto weerarro kale.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, uu sheegay in dalalka Khaliijka ay aaminsan yihiin in Iiraan aysan xiri lahayn marinka Hormuz haddii aysan jiri lahayn cadaadis iyo weerarro ka yimid Mareykanka.
Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka uu doonaayo wadahadallo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka si xal looga gaaro arrinta marinka Hormuz iyo kobcinta Yuraniyaamka, isagoo xusay in hay’adda caalamiga ah ee tamarta nukliyeerka ee IAEA aysan weligeed caddeyn in barnaamijka Iiraan uu yahay mid militari.