Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa dil ku fuliyay nin lagu eedeeyay basaasnimo isagoona la shaqaynayay hay’adaha sirdoonka Mareykanka iyo Israa’iil, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Mehr ee dawladdu maamusho.
Waxay ninkaas magaciisa ku sheegeen Erfan Shakurzadeh waxayna sheegeen inuu la shaqeynayay mid ka mid ah ururada sayniska ee dalka, oo diiradda saaraya goobta dayax-gacmeedka.




