Iiraan oo adeegsatay 3 dayax-gacmeed

0
245

Dowladda dalka Iiraan ayaa markii ugu horreysay ku guulaysatay inay hawada u dirto ilaa saddex dayax-gacmeed ah iyadoo adeegsanaysa agab ay soo saareen wasaaradda gaashaan dhigga ee wadankaas iyo hannaanka tasiilaadka ciidamada qalabka sida.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa ku warramaysa in tani ay tahay tallaabo wayn oo reer galbeedku ay ka cabsi qabaan inay sii xoojiso Barnaamijka gantaallada ballistika ah ee xukuumadda Tehraan.
Dayax-gacmeedyada ayaa maanta lagu diray ilaa 450 kiilomitir ama 280 mayl oo hawada sare ah.