Iiraan iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in la furay khadadka wada xaajoodka si loo gaaro heshiis loona hortago tallaabo ciidan, iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii u sheegay warbaahinta in Iiraan ay si dhab ah ula hadleyso Xukuumadda Washington, saacado ka dib markii sarkaalka ugu sarreeya ee amniga qaranka Iiraan uu sheegay in diyaar garowga wadaxaajoodka uu socdo.
Trump oo ka hadlayay diyaaradda Air Force One ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay tahay inay ogolaato heshiis aan hub nukliyeer ah ku jirin, balse uusan hubin haddii Xukuumadda Tehran ay saxiixi doonto heshiiska noocaas ah.
Sarkaalka ugu sarreeya amniga qaranka Iiraan, Cali Larijani, ayaa sheegay in Xukuumadda Tehran ay isu diyaarinayso wadaxaajood, isagoo caddeeyay in qorshaha wadaxaajoodka uu socdo, balse faahfaahin dheeraad ah aanu bixin.




