IEBC oo walaac ka muujisay geeddisocodka maxkamadda

0
192

Madaxa fulinta ee guddiga madax bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC) Xuseen Marjan ayaa sheegay in geeddisocodka maxkamadeed uu dib u dhac ku keenay soo dhisidda guddigan.
Waxaan ilaa iyo hadda la beddelin saraakiishii sare ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday ee uu hoggaaminayay Wafula Chebukati.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dacwad ka dhan ah guddiga loo gudbiyay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court halka dacwad kalena la geeyay maxkamadda sare laanteeda ismaamulka Kiambu.
Tallaabooyinkan ayuu Marjan sheegay in ay caqabad ku noqdeen in IEBC ay gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkan ay talosiin ka sugayaan maxkamadda ugu sarreysa dalka.m