IEBC oo lagu amray in ay 248 milyan siiso shirkad bixisa adeegyada suuqgeynta

0
315

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) ku amartay inuu lacag gaaraysa 248 milyan oo shilin uu siiyo shirkad bixisa adeegyada suuqgeynta.
Lacagtan ayaa lagu wareejinaya shirkadda Scanad Kenya Limited oo adeegyadan guddiga u fidisay sanadkii 2017-dii.
Madaxa fulinta ee guddiga doorashooyinka dalka , Marjan Xuseen ayaa laga doonaya inuu u hoggaansamo amarka maxkamadda.
Sidoo kale waxaa looga fadhiyaa inuu maxkamadda u cadeeyo sababta keentay in IEBC ay dafirto amar ay maxkamaddu siisay 26-kii bishii Afaraad ee sanadkii 2021-kii kaasoo ahaa inay shirkadda Scanad siiso lacagaha uga maqan guddiga.
Garsoore John Chigiti ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga doorashooyinka uunan maxkamadda u soo bandhigin sabab lagu qanci karo oo ku aaddan dafiraadda amarkii hore.