Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya (IEBC) ayaa sheegay in uu wajahayo dhaqaale-yaraan dhan 12 bilyan oo shilin Kenya ah, taas oo saameyn ku yeelan karta diyaar-garowga doorashada guud ee dalka ee bisha Agoosto 2027.
Guddiga ayaa dalbaday in baarlamaanka uu u ansixiyo dhaqaale dheeraad ah oo lagu daboolayo kharashaadka la xiriira gaadiidka waraaqaha codbixinta, mushaharka shaqaalaha doorashada iyo ololaha wacyigelinta dadweynaha.
Guddoomiye ku-xigeenka IEBC, Fahima Araphat, ayaa arrintan ka sheegtay kulan ay guddiga la yeesheen Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Sharciga ee Golaha Shacabka, halkaas oo ay ku soo bandhigeen baahiyaha dhaqaale ee doorashada 2027/2028.
Araphat ayaa sheegtay in guddigu u baahan yahay 1.6 bilyan oo shilin si loo bixiyo mushaharka in ka badan 600,000 oo shaqaale doorasho ah, kaddib markii sare loo qaaday heerka mushaaraadkooda.
Sidoo kale, guddigu wuxuu u baahan yahay 471 milyan oo shilin oo loogu talagalay gaadiidka waraaqaha codbixinta, agabka doorashada iyo shaqaalaha, halka 198 milyan oo shilin loo qoondeeyay ololaha warbaahineed iyo wacyigelinta dadweynaha.
Dhanka kale, IEBC ayaa sheegtay in ay u baahan tahay 60,000 oo qalab cusub oo ka tirsan nidaamka Kenya Integrated Election Management System (KIEMS), kaddib markii baaritaan lagu sameeyay qalabkii hore lagu ogaaday in 45,000 oo ka mid ah ay gaareen dhammaadka muddadii loogu talagalay inay shaqeeyaan.
Markii hore, guddigu wuxuu codsaday miisaaniyad dhan ku dhowaad 63 bilyan oo shilin, halka Khasnadda Qaranka ay markii hore u qoondeysay ku dhowaad 41 bilyan oo shilin. Dhaqaale dheeraad ah oo markii dambe la helay kaddib, ayaa haddana waxaa haray farqi dhan 12 bilyan oo shilin.
Ku-xigeenka madaxa fulinta ee IEBC, Obadiah Keitany, ayaa xildhibaannada ka codsaday inay wax ka qabtaan dhaqaale-yaraanta jirta, si guddigu u helo awood dhaqaale oo ku filan fulinta doorashada.




