Human Rights Watch oo sheegtay in Israa’iil ay adeegsatay hub lagu sameeyay Maraykanka

0
604

Hay’adda Xuquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in Israa’iil ay adeegsatay bambooyin lagu soo sameeyay Maraykanka.
Waxay ku weerartay dugsiyo hooy u ah barakacayaal.
Hay’adda HRW ayaa falalkan ku tilmaantay kuwo sharci darro ah.
Waxay intaasi ku dartay in Israa’iil ay fulisay boqolaal weerarro oo ka dhan ah dugsiyada tan iyo markii uu billowday duullaanka Qaza bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.
Weerarrada oo loo fuliyay si aan kala sooc lahayn ayay hay’addu sheegtay in loo adeegsaday bambooyinka GBU-39 taasi oo liddi ku ah xeerarka caalamiga.
27-kii bishii Toddobaad ee sanadkii 2024-kii ayay ahayd markii la bartilmaameedsaday dugsiga gabdhaha ee Khadija oo ku yaalla magaalada Deir el-Balah halkaasoo lagu dilay ugu yaraan 15 ruux.
Sidoo kale , 21-kii bishii Sagalaad ee sanadkii hore ayay Israa’iil weerartay dugsiga Zeitoun C school ee magaalada Qaza waxayna halkaasi ku dishay ugu yaraan 34 ruux.
Israa’iil ayaa sheegtay in ay weerarradan ku bartilmaameedsanaysay dagaalyahaannada ururka Xamaas ee Falastiin.
Hasa ahaate,hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in aan la helin caddeymo ku aaddan in Xamaas ay goobahaasi ku sugnaayeen markii la duqeynayay mise ay ku lahaayeen saldhigyo militari.