Huma Rights Watch oo doonaysa in la baaro xadgudubyo ka dhacay Itoobiya

0
400

Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dowladda dalka Itoobiya ku eedeysay in ciidamadeeda ay dil wadareed shacab ugu gaysteen gobolka Amhara.
Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaatadan ay dhacday bishii Koowaad ee sanadkan.
Waxay qaramada midoobay ugu baaqday in ay xadgudubyadan ku sameyso baaritaan madax bannaan.
Warbixinta ay maanta soo saartay Human Rights Watch waxaa ku cad in dilalka ay ka dhaceen magaalada Merawi dabayaaqadii bishii Jannaayo ee sanadkan.
Hasa ahaate dowladda federaalka ee Itoobiya ayaan weli arrintan ka hadlin.