Howlwadeeno gaaraya 1,700 oo maareyn doono imtixaannada dalka

0
272

Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa shaaciyay in 1,700 oo qof loo xil saaray maareynta imtixaannada heerarka kala duwan ah.
Imtixaannadan ayaa isugu jiro kuwa shahaaddiga ee dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare ee KCSE-da.
Saraakiisha imtixaannada si dhow ula socon doono ayaa ka kala tirsan wasaaradda waxbarashada ee dalka , guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, guddiga qaran ee matalo hay’adda UNESCO ee (KNATCOM), machadka horumarinta manaahijta ee (KICD),machadka maamulka tacliinta dalka ee (KEMI) iyo waaxyo kale.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr.Belio Kipsang ayaa mas’uuliyiintan ugu baaqay inay waajibaadka loo igmaday uga soo baxaan sida habboon.