Hoggaamiyaha burcadda Ecuador oo la xiray

0
544

Madaxweynaha dalka Ecuador Daniel Noboa ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ku sheegay in gacanta lagu dhigay horjoogaha kooxda burcadda ah ee waddankaasi ee Los Choneros.
Jose Adolfo Macias Villamar, oo loo yaqaano Fito ayaa ku eedeysan ka ganacsiga daroogada.
Shakhsigan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa baxsad si wayn loo raadinayay.
Horraantii sanadkii 2024-kii ayay ahayd markii uu ka baxsaday xabsi taasi oo ay shaqaaqooyin ka dhasheen.
Dacwad oogayaasha Maraykanka ayaa isagoo aan maxkamadda ku sugnayn ku soo oogay ilaa 7 dacwadood oo la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha, shirqool, gudbinta hubka iyo dembiyo kale.
Madaxweynaha dalka Ecuador ayaa intaasi ku daray in ay qaateen doorkooda ku aaddan in Jose loo gacan geliyo dowladda Maraykanka oo ayna jawaab sugayaan.