Hogaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka ayaa digniin culus u diray guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee shalay la dhaariyay, isagoo uga digay wax kasta oo wax u dhimi kara hufnaanta doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Kalonzo oo ka mid ah madaxda isbahaysiga mucaaradka oo shaki galiyay kalsoonida lagu qabi karo shaqaaleysiinta komishanka, ayaa qoraal u soo dhigay barta X, ayaa sheegay in guddiga cusub IEBC-da gacanta lagu soo doortay”, waxaanu uga digay inay carqaladeeyaan nidaamka doorashada.
“Rabitaanka dadku maaha mid laga gorgortami karo,” ayuu yiri Kalonzo Musyoka.
Hadalka Kalonzo ayaa imaanaya kadib markii shalay madaxa cadaalada ee dalka Martha Koome ay guddoomineysay dhaarinta guddoomiyaha IEBC Erastus Ethekon iyo lix ka mid ah guddoomiyeyaasha maxkamadda sare ee Jimcihii.
Koome waxay ku dhiiragalisay guddiga cusub ee IEBC in ay waajibaadkooda si daacadnimo ah u gutaan.




