Hay’adda UNRWA oo ciqaab wadareed ku tilmaantay in deeqaha lacageed laga jaro Qaza

0
212

Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga dalka Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ciqaab wadareed ku tilmaamay in 2 milyan oo qof oo ku nool Qaza laga jaro deeqaha la siiyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in taageeradan ay tahay nolol badbaadin sidaasi awgeedna haddii la joojiyo ay saameyn ba’an ka dhalan karto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa siddeed waddan oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska Australia, Canada, Finland, Jarmalka ,Talyaaniga iyo Netherlands ay hakiyeen deeqihii lacageed ee ay siin jireen hay’adda UNRWA.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil ku andacootay in qaar ka mid ah shaqaalaha hay’addan ay ku lug lahaayeen weerarradii ururka Xamaas ee 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Waxay Israa’iil sheegtay in weerarradaasi looga dilay 1,139 ruux.
Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay inay baaritaano ku sameynaysa eedeymaha uga yimid Israa’iil oo ay qaar ka mid ah howlwadeenadeeda shaqada ka joojisay.
Israa’iil ayaa muddo dheer qaybaha qaramada midoobay oo ay ka midka tahay hay’adda daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ku eedeynaysay eexasho iyo yahuud naceyb.
Hay’adda UNRWA oo la aasaasay sanadkii 1949-kii ayaa ah laanta qaramada midoobay ee ugu wayn ee ka howlgasho Qaza.
Waxay bixisaa adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka kale ee baniaadannimo ee ay u baahan yihiin Falastiiniyiinta ku nool Qaza, Daanta Galbeed, Jordan, Lebanon iyo Syria.
Gudaha Qaza waxaa ay ka howlgelisay ilaa 13,000 oo ruux.
Madaxa hay’addan Mr. Philippe Lazzarini ayaa arrin la yaab leh ku tilmaamay in maalgelintii la siinayay loo hakiyay eedeymo weli la baaraya oo loo jeediyay shaqaale ay tiradoodu kooban tahay.
Waxaa uu mas’uuliyad darro wayn ku tilmaamay in la cunaqabateeyo hay’ad dhan iyo bulshada ay u adeegto xilli dagaal , barakicin iyo dhibaatooyin siyaasadeed ay ka jiraan gobolka Bariga Dhexe.
Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay in ay sanad kasta liiska shaqaalaheeda la wadaagto maamullada meelaha ay ka howlgasho oo ay Israa’iil ka mid tahay oo aynan weli helin tabashooyin ka dhan ah shaqaalaheeda.
Jimcihii ayay ahayd markii la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ,Mark Regev wareysi uu siiyay BBC-da uu ku sheegay inay heleen macluumaad muujinaya in macallimiinta ka howlgalo dugsiyada ay maamusho hay’adda UNRWA ay si cad ugu dabbaal degeen weerarradii Xamaas.
Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah dadkii ay gacanta ku dhigtay Xamaas ay sheegtay ina lagu hayay guri uu leeyahay qof u shaqeeya hay’adda UNRWA”.
Midowga Yurub ayaa dhankiisa sheegay inuu qiimeyn doono tallaabooyinka xiga ee la qaadaya iyadoo lagu saleynaya natiijada ka soo baxdo baaritaan dhameystiran.
Maraykanka, Jarmalka iyo Midowga Yurub ayaa ka mid ah maalgeliyaasha ugu badan ee hay’adda UNRWA.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil , Israel Katz ayaa dhankiisa xusay inuu doonaya in marka uu dhamaado duullaanka militari ee Qaza aynan hay’adda UNRWA halkaasi ka sii howlgelin.
Wasiirka arrimaha rayidka ee Falastiin, Xuseen Al-Sheekh ayaa dhankiisa tilmaamay in tallaabada ay qaadeen waddamada qaar ay horseedaysa khatarro waawayn oo siyaasadeed iyo baniaadannimo ah.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo hay’adda UNRWA ay sheegaysa in ay la daala dhacaysa inay gargaar baniaadannimo gaarsiiso 1.7 milyan oo qof oo ah ku dhawaad afar meelood saddex meel shacabka Qaza ee ku barakacay duqeymaha socdo 12 isbuuc.