Hal sano oo ka soo wareegatay dhulgariirkii Turkiga

0
188

Waxaa lagu soo warramayaa in dad badan ay isugu soo baxeen qaybaha kala duwan ee dalka Turkiga iyagoo xusuusanaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay dhulgariirkii xoogganaa ee halkaasi ka dhacay 6-dii bishii Labaad ee sanadkii 2023-kii.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka badankoodu ay muujinayaan caradooda ku aaddan qaabkii ay maamullada xukuumadda Ankara uga falceliyeen musiibadaasi.
Saameynta ugu badan ee dhulgariirkii ku dhuftay 11 gobol oo ku yaalla Koonfurta Turkiga ayaa laga dareemay magaalada Antakya ee gobolka Hatay.
Dhulgariirka ayuu cabbirkiisu ahaa 7.8.
Waxay iskudhacyo dhex mareen shacabka iyo ciidamada booliiska iyadoo dadweynaha ay dalbanayaan inuu is casilo guddoomiyaha gobolka Hatay ,Lutfu Savas.
Sidoo kale shacabka isku soo baxay ayaa ku oorriyay ama ku buuqay wasiirka caafimaadka ee dalka Turkiga Fahrettin Koca.
Waxaa dhulgariirkaasi gudaha Turkiga ugu dhintay in ka badan 50,000 oo qof iyo 5,900 kale oo ku nafwaayay Syria.
Shacabka ayaa sheegaya in maamullada Turkiga oo aan si degdeg ah uga falcelin musiibada ay sababtay in dad badan ay dhintaan halka kuwo kalena ay maalmo ku hoos xannibnaayeen burburka.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa barta X ee horay la odhan jiray Twitter-ka ku sheegay in culeyska ka dhashay dhacdadaasi uu weli yahay mid hor leh oo kale.
Waxaa uu sheegay in xilligii dhulgariirka ee sanadkii hore la muujiyay midnimada Turkiga.