Hal qof oo ku dhintay Shil ka dhacay Makueni

0
51

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay, 18 kalena way dhaawacmeen ka dib markii gaari matatu ah oo ay la socdeen uu shil galay ,isagoona ku dhacay baabuur xamuul ah
Shilku wuxuu ka dhacay aagga Kikiini oo ku teedsan wadada u dhaxaysa Kikima iyo Machakos ee Gobolka Makueni.
Isagoo xaqiijinaya dhacdada, Taliyaha Booliska Galbeedka Mbooni Benson Makumbi ayaa sheegay in gaariga matatu-ga loo kireeyay Nairobi si uu u qaado rakaabka ka qayb galaya xaflad aroos oo ka dhacaysa Kyuu.