Hal qof oo ku dhintay gantaal lala beegsaday Abu Dhabi

0
143

Weeraro cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa ku dhuftay saddex xaafadood oo ku yaalla Beirut, halka ciidamada Israa’iil ay sheegeen inay weerarro cusub ku qaadeen caasimadda Iiraan.
Weerarada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa weli ka socda gobolka Gacanka iyo meelaha ka baxsan, iyadoo dalalka Qatar, Saudi Arabia, Imaraadka Carabta, iyo Kuwait ay soo sheegayaan in la soo riday qaar ka mid ah gantaallada.
Daraasad ay sameysay Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa tilmaantay in Maraykanka uu mas’uul ka ahaa weerarkii dugsiga hoose ee Iiraan, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 170 qof, badankoodna ahaa gabdho iskuuley ah.
Dhanka kale hal qof ayaa ku dhintay burbur ka dhashay gantaal la soo riday oo ku dhacay xaafadda Bani Yas, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee magaalada Abu Dhabi.
Qofka dhintay ayaa ahaa muwaadin Pakistani ah, sida lagu sheegay qoraal uu xafiiska ku baahiyay bartiisa X.
10 qof oo ajnabi ah ayaa lagu xiray waqooyiga bari ee Iiraan, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Tasnim, waxaana lagu eedeeyay inay xog ka ururinayeen goobaha muhiimka ah ee amniga iyo inay diyaarinayeen howlgallo dhulka ah. Ma jiro wax faahfaahin ah oo la bixiyay oo ku saabsan jinsiyadaha dadka la xiray ama waxa caddeynaya eedeymaha loo jeediyay.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegay in hay’adaha amniga Iiraan ay kordhiyeen tallaabooyinka lagu xakameynayo shakiga basaaska, iyadoo xiritaano kale oo la xiriira tuhunno la sameeyay meelo kale oo dalka ka tirsan.