Guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha IEBC oo howlihiisa dib u billaabaya

0
230

Waxaa uu qorshuhu yahay inay dib u billowdaan fadhiyada guddi horay loo magacaabay si uu u howlgeliyo saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC .
Guddigan ayaa la soo magacaabay bishii Labaad ee sanadkan.
Hasa ahaate waxaa uu hakiyay geeddisocodka shaqaaleysiinta howlwadeennada cusub ee IEBC si fursad loo siiyo wada hadalladii u dhexeyay wakiillada matalaya dowladda dhexe iyo mucaaradka.
Fadhiyada guddigan soo xulaya saraakiisha IEBC ayaa la filayaa inay sii socdaan ka dib markii mucaaradka ay shalay shaaciyeen inaynan qayb ka sii ahaan doonin wada hadalladii socday.