Guddi sheegay in Israa’iil ay gaysanaysa dembiyo dagaal

0
512

Guddi ay qaramada midoobay u xil saartay inuu baaritaano ku sameeyo duqeymaha ay Israa’iil ka wado Falastiin ayaa sheegay in maamullada Israa’iil ay gaysanayaan dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo la doonaya in ay mas’uuliyadooda qaataan.
Waxaa warbixinta guddigan soo dhaweeyay Ibrahim Khraishi oo ah ergeyga Falastiin ku matalo qaramada midoobay.
Xubnaha guddiga ayuu uga mahadceliyay baaritaanka ay sameeyeen oo uu xusay in Israa’iil aynan kala shaqeyn.
Waxaa uu wakiilka tilmaamay in Israa’iil ay gaysatay xadgudubyo ay ka mid tahay in dadka laga hor istaago gargaarka si ay u gaajoodaan, in si ula kac ah loo bartilmaameedsaday kaabayaasha rayidka sida isbitaallada iyo in maxaabiis la haya iyagoo aan dacwad lagu soo oogin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tacaddiyada noocani ah aynan sii socon karin.
Mas’uulkan ayaa cadeeyay in qaraarrada golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ay ka mid tahay in aan la bartilmaameedsan rayidka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, ugu yaraan 37,396 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza halka la dhaawacay 85,523 qof oo kale.