Guddi ku xigeen u raadinaya Raila oo maalinkii labaad turxaan bixin sameyn doono

0
669

Guddi ka kooban toddobo xubnood oo loo xilsaaray inuu soo xulo cidda marka la gaaro doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ku xigeen u noqonaysa musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya ayaa maalinkii labaad turxaan bixin doono siyaasiyiinta jagadan daneynaya.
Waxaa maanta la filaya inay guddi ka soo hormuuqdaan 5 musharrax oo u tartamaya xilka madaxweyne ku xigeenka dalka .
Hasa ahaate waxaan weli caddeyn in madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu hor tagi doono xubnaha uu hoggaaminaya Noah Wekesa.
Shalay ayay ahayd markii guddigan uu wareysiyo la yeeshay wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a Sabina Chege , madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua, barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya, dhigiisa Mombasa Cali Xasan Joho iyo guddoomiyaha ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui.
Waxaa uu qorshuhu yahay in marka turxaan bixinta la soo gabagabeeyo magaca musharraxa ugu qalmo xilka madaxweyne ku xigeenka dalka in loo gudbiyo Raila Odinga si uu kenyaanka ula wadaago.
Xisbiyada siyaasadeed ee wadank ayaa haysta ugu dambeyn 16-ka bishan May si ay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ugu gudbiyaan magacyada musharraxiintooda madaxweyne iyo ku xigeenadooda.