Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Baadariga Katholigga oo dagaalka Ukraine la barbardhigay xasuuqii Rwanda

Baadariga Katholigga oo dagaalka Ukraine la barbardhigay xasuuqii Rwanda

Baadariga ugu wayn kaniisadaha katholigga Pope Francis ayaa sheegay in dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine iyo dhiigga ku daatay uu la mid yahay midkii Rwanda xasuuqa u horseeday sanadkii 1994-tii.
Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu codsaday inuu kulan la qaato madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.
Pope Francis ayaa wargeyska ka soo baxa gudaha Talyaaniga ee Corriere Della Sera u sheegay in Putin uu farriin u diray markii ciidamadiisa difaaca ay gudaha Ukraine ka dagaallamayeen 20 cishe.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu diyaar u ahaa inuu u safro caasimadda Ruushka ee Moscow.
Baadariga ayaa xusay in ilaa iyo hadda aan dhambaalkii uu diray looga soo jawaabin in kastoo ay weli ku adkeysanayaan in Ruushka uu joojiyo duullaanka militari.
Waxaa uu intaasi raaciyay inuu dareemayo in madaxweyne Putin uunan xilligan rabin inuu qayb ka noqdo kulan ku saabsan xal u helidda dagaalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments