Guddi ka tirsan baarlamaanka oo bisha 4-aad turxaan bixin doono safiirro magacaaban

0
150

Guddiga arrimaha gaashaandhigga , sirdoonka iyo xiriirka dibadda ee baarlamaanka dalka ayaa laga billaabo 4-ta ilaa 11-ka bisha Afaraad ee sanadkan turxaan bixin doono shakhsiyaad loo soo magacaabay xilalka safiirnimo.
21-kii bishan ayay ahayd markii uu guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula u sheegay xildhibaannada in bisha dambe su’aallo la waydiin doono 27 qof oo uu soo magacaabay madaxweyne William Ruto.
Karaaniga golaha qaran ee xeer dejinta ,Samuel Njoroge ayaa dhankiisa kenyaanka ku boorriyay inay soo gudbiyaan warbixinadooda ku aaddan danjireyaasha la turxaan bixin doono ugu dambeyn 5-ta galabnimo ee 2-da bisha Afaraad.
8-dii bishii 11-aad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii uu baarlamaanka ansixiyay magacaabidda 27 safiir oo uu xilligaasi soo gudbiyay madaxweynaha dalka waxaana ka mid ahaa kuwo Kenya ku matalaya dalalka Koonfur Afrika, India, Rwanda, Botswana, Malaysia, Angola iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.