Guddi ka socda aqalka Senetka ee dalka oo kulan ku qabtay ismaamulka Taita Taveta

0
594

Gudiga golaha ee aqalka senetka dalka ee u qaabilsan dhulalka ayaa shir la yeeshay dadka deegaanka Mwatate ee ismaamulka Taita-Taveta .
Kulankaas ayaa diirada lagu saarayay muranada dhulka ee ka jiraa dowlad deegaanka Taita Taveta.
Waxaa lagu muransan yahay dhul 25,000 oo acre oo ku yaala deegaanka Mwatate.
Dowlada ismaamulka Taita Taveta ayaa loogu baaqay in xal ay u raadisaa murannada dhulalka ee ku soo badanayaa ismaamulkaas.