Golaha wasiirrada dalka oo amray in dib u eegis lagu sameeyo maamullada horumarka gobolka

0
198

Golaha wasiirrada dalka ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo doorka maamullada qaabilsan horumarka gobolka iyadoo la tixgelinaya dowlad wadaajinta.
Waxaa uu golaha wasiirrada ee wadanka oo shalay kulan yeeshay hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay qiimeynta waxtarka 6 maamul oo arrimahan ka shaqeeya.
Maamulladan ayaa kala ah Tana and Athi Rivers Development Authority, Kerio Valley Development Authority, Lake Basin Development Authority, Ewaso Nyiro North Development Authority, Ewaso Nyiro South Development Authority iyo Coast Development Authority.
Dhanka kale , xubnaha golaha wasiirrada ee dalka ayaa ansixiyey hindise sharciyeedkii xoolaha ee la soo saaray sanadkii hore.
Nidaamkan ayaa lagu maareyn doonaa wax soo saarka xoolaha iyadoo mudnaan la siinaya macaashka laga helo ganacsiga caanaha , haragga iyo hilibka.
Golaha wasiirrada ayaa sheegay in marka laga soo tago kormeer ay sameeyaan dhakhaatiirta xoolaha in aan inta badan la xakameyn ka ganacsiga hilibka taasi oo uu sharcigan cusub dabooli doono.
Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa meel mariyay xeer sare loogu qaadaya wax soo saarka qaran ee beeraha gaar ahaan adeegsiga qalabka iyo in la dhiirrigeliyo beerashada dalagga ee baaxadda leh.
Sidoo kale xeerkan ayaa fududeyn doono in tababarro loo sameeyo beeralayda iyadoo ay howshan iska kaashanayaan waaxyaha dowliga iyo kuwa gaarka ah.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay nidaam cusub oo dhanka xisaabaadka ah oo ay adeegsanayaan waaxyaha dowladda dhexe waxaana muddo saddex sano gudahooda ah meesha laga saari doonaa lacagaha caddaanka ah ee laga qaado dadweynaha.