Golaha Kisii oo billaabay dhageysiga mooshin xilka looga qaadaya barasaab ku xigeenka

0
148

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kisii ayaa billaabay in ay dhageystaan mooshin loo gudbiyay.
Mooshinkan ayaa la doonaya in xilka looga xayuubiyo ku xigeenka barasaabka ismaamulkaasi Robert Monda.
Tani ayaa timid ka dib markii 51 ka mid ah 69-ka wakiil ee golaha hoose ee Kisii ay mooshinkan saxiixeen.
Waxaa uu in muddo ah khilaaf shaqo ka dhexeyay Robert Monda iyo barasaabka Kisii Simba Arati.
Waxyaabaha lagu eedeynaya mas’uulkan waxaa ka mid ah inuu awoodiisa xafiiseed ku tagriifalay sidoo kalena uu ku xadgudbay dastuurka .