Golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa yeeshay kulan degdeg ah oo looga hadlay xaaladda cakrin ee ka taagan magaalada Quddus ee dalka Falastiin.
Hasa ahaate shirkaasi ayaan wax bayaan ah laga soo saarin.
Dibloomaasiyiin ayaa laga soo xigtay in dowladda Maraykanka ay muujisay inay aaminsan tahay in bayaan guud oo la soo saaro uusan miro-dhal ahayn in kasto oo ay tilmaantay in ay si hoose uga shaqeynayso dejinta xaaladda taagan.
Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada ay jeedinayaan hay’adaha caalamiga ee ku aaddan in ciidamada Israa’iil ay joojiyaan awoodda ay shacabka u adeegsanayaan.
Shalay ayay ahayd markii in ka badan 300 oo qof ay ciidamada Israa’iil ku dhaawaceen barxadda masjidka Al-Aqsa oo ay weerar ku qaadeen.