Garyaqaan rugcadaa ah oo dhallinyarada ku boorriyay in ay is xakameeyaan

0
236

Garyaqaan sare John Khaminwa ayaa dhallinyarada kenyaanka ah ku boorriyay in ay is xakameeyaan oo aynan sii wadin dibadbaxyada ay saameynta ka dhalatay.
Waxaa uu kula taliyay in ay ka feejignaadaan falalka muddo fog saameyn ku yeelanaya siyaasadda iyo dhaqaalaha qaranka.
Qareenka ayaa xusay in da’yarta iyagoo raadinaya maamul wanaag iyo isla xisaabtan dhab ah laga doonaya in ay dhanka kale ku baraarugaan in ay jiraan waxyaabo haddii aan laga fiirsan horseedi karo dhibaatooyin aan laga soo kaban.
Dr. Khaminwa ayaa sheegay in codadka dhallinyarada ay muhiim yihiin oo aan marnaba la dayalsan karin.
Hasa ahaate, waxaa uu da’yarta ka codsaday in ay qafiifiyaan mowqifyada adag ee ay qaateen si fursad loogu helo wax ka qabashada dalabaadkooda.
Garyaqaanka ayaa ka digay in haddii dibadbaxyada ay sii socdaan ay musiibo iyo burbur wayn soo gaari karaan dalka.