Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Kenya, Fatuma Sichale, ayaa sheegtay in musuqmaasuqu yahay caqabadda ugu weyn ee Kenya ka hor taagan inay gaarto heerka horumarineed ee Singapore.
Sichale ayaa sheegtay in farqiga ugu weyn ee u dhexeeya labada dal uu yahay heerka musuqmaasuqa, iyadoo xustay in Singapore ay ku dhowdahay inay ka xorowdo musuqmaasuqa, halka Kenya ay weli la tacaaleyso falalka baahsan ee wax isdaba-marinta.
Hadalkeeda ayay ka jeedisay kulan ay Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya (EACC) la yeesheen warbaahinta, iyadoo ku adkeysay in dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa aan lagu koobi karin hay’adaha baarista iyo garsoorka oo keliya, balse uu u baahan yahay iskaashi iyo masuuliyad ay wadaagaan dhammaan shacabka Kenya.
Garsoore Sichale, oo hore uga soo shaqeysay EACC muddo shan sano ah, iyadoo markii hore ahayd aggaasime ku-xigeen ka hor inta aysan xilal kale ka qaban guddiga, ayaa sheegtay in waayo-aragnimadeeda ay bartay in hal hay’ad aysan keligeed ku guuleysan karin la-dagaallanka musuqmaasuqa.
Waxay sidoo kale ammaantay doorka saxaafadda baarista ku leedahay soo bandhigidda musuqmaasuqa, iyadoo sheegtay in warbixinnada saxafiyiintu mararka qaar hay’adaha baarista u sahlaan inay helaan xog iyo raadad aan si kale loo ogaan lahayn.
Dhanka kale, Sichale ayaa tusaale u soo qaadatay kiis uu garsoore maxkamad hoose lagu eedeeyay inuu la kaashaday qof doonayay inuu helo waraaqaha dhaxalka qof la sheegay inuu dhintay, inkastoo qofkaasi uu noolaa.
Sida ay sheegtay, qofka codsadaha ah ayaa doonayay inuu kala baxo lacag dhan 15 milyan oo shilin akoon uu lahaa qofka la sheegay inuu dhintay.
Baaritaannada kiiska ayaa lagu ogaaday in dhowr qof, oo ay ku jiraan guddoomiye deegaan, diiwaan-hayaha dhalashada iyo dhimashada, dammaanad-qaadayaal iyo dhakhtar, lagu eedeeyay inay bixiyeen xog ama dukumentiyo marin-habaabin ah. Kiiskaasi ayaa weli horyaalla Guddiga Adeegga Garsoorka (JSC).
Sichale ayaa ugu baaqday warbaahinta inay sii waddo doorkeeda ku aaddan soo bandhigidda musuqmaasuqa iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka.




