Gantaalla hor leh oo lagu garaacay Israa’iil iyadoo tirada dhimashada ay korortay

0
317

Nidaamka difaaca ee Israa’iil ayaa caawa qabtay gantaallo laga soo ganay dhanka Qaza.
Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee Israa’iil ka soo gaaray weerarrada kaga imaanaya dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sare u kacday, ka dib gantaal ay Xamaas soo ganeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tirada Israa’iil weerarradan uga dhimatay ay gaartay 200 oo ruux iyo dhaawac oo 1,000 qof ah, oo ay ku jiraan kuwo uu xaalkoodu liito.
Waxaa la filayaa in khasaaruhu uu kordho.
Waxay wararku sheegayaan in magaalada Quddus ay dhibaato badan soo gaartay ka dib 150 gantaal oo looga soo ganay dhanka Gaza.
Sidoo kale warbaahibta Al-Jazeera ayaa ku warrameysa in ciidamada Israa’iil ay dib u qabsadeen dhowr saldhig milatari oo ay saaka gacanta ku hayeen Xamaas.