Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin Riyad Al-Maliki ayaa maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ u sheegay in Falastiiniyiinta ay Israa’iil kala kulmayaan guumeysi iyo midib takoor.
Waxaa uu garsoorayaasha maxkamadda ugu baaqay inay Israa’iil ku amraan in ay si degdeg ah u soo afjarto haysashada dhulka Falastiin .
Waxaa uu ku taliyay in sidan la sameeyo shuruud la’aan.
ICJ ayaa maanta billowday dhageysiga cawaaqibta sharci ee haysashada dhulka Falastiin ee tan iyo sanadkii 1967-kii.
Dhageysiga dacwadaha ay gudbiyeen 52 waddan oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Ruushka ayaa socon doonta muddo toddobaad ah.