Falal dambiyeedyada oo sanadkii hore kordhay boqolkiiba 19

0
404

Waaxda qaran ee qaabilsan kaydinta macluumaadka ee KNBS ayaa ra’yi uruurin ay sameysay ku ogaatay in sanadkii 2023-kii , falal dambiyeedyada ka dhaco gudaha wadanka ay kordheen boqolkiiba 19.
Tirada falal dambiyeedyada la diiwaangeliyay sanadkii hore ayaa ahayd 104,842 .
KNBS ayaa sidoo kale sheegtay in 2023-kii , tirada maxaabiista ay gaartay 248,061 qof halka sanadkii ka sii horreeyay ee 2022-kii ay ahayd 169,579.
Warbixinta waaxdan waxaa ku cad in sanadihii 2022-kii iyo 2023-kii dib loo soo celiyay hanti dadweyne oo la dhacay taasi oo uu qiimaheeda lacageed yahay 6.6 bilyan oo shilin.