Evaleen Mitei oo ka mid noqotay shan musharrax oo loo xushay xilka agaasimaha guud ee TSC

0
82

Ku-simaha aggaasimaha guud ee Guddiga Adeegga Macallimiinta Kenya (TSC), Evaleen Mitei, ayaa ka mid noqotay shan qof oo loo xushay wareysiga xilka xoghayaha guud iyo aggaasimaha guud ee guddiga.
Guddiga ayaa 29-kii September 2026 dib u shaaciyay xayeysiiska shaqadan, kadib markii Maxkamadda Sare ay burisay hannaankii shaqaaleysiinta ee la bilaabay 6-dii May 2025, iyadoo sabab looga dhigay khaladaad dhanka habraaca ah.
Go’aanka ay maxkamaddu soo saartay 17-kii September 2026, guddi ka kooban laba garsoore oo kala ah Dorah Chepkwony iyo Francis Nyungu, kana tirsan Maxkamadda Sare ee Kiambu, ayaa TSC ku amray inay dib u bilowdo hannaanka shaqaaleysiinta.
Garsoorayaashu waxay ogaadeen in xayeysiiskii hore uu musharraxiinta siiyay 13 maalmood oo keliya si ay codsiyadooda u soo gudbiyaan, halka buugga siyaasadaha iyo habraacyada maamulka shaqaalaha ee TSC uu dhigayo ugu yaraan 14 maalmood.
Maxkamaddu waxay sidoo kale guddiga ku eedeysay inuusan xayeysiiska ku caddeyn mushaharka loo qorsheeyay xilka, taasoo keentay in gebi ahaanba la buriyo hannaankii shaqaaleysiinta.
Hase yeeshee, garsoorayaashu waxay taageereen waafaqsanaanta dastuurka ee qodobbada 16(2)(b) iyo 16(2)(c) ee sharciga TSC, kuwaas oo dhigaya in qofka xilkan codsanaya uu haysto shahaadada jaamacadeed ee waxbarashada, isla markaana leeyahay ugu yaraan 10 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo la xiriirta, shan ka mid ahna uu ku soo qaatay jagooyin maamul oo sare.
Kadib markii dib loo shaaciyay xayeysiiska shaqada, kaas oo ku ekaa 30-kii October 2026, guddiga ayaa helay 124 codsi.
Shuruudaha lagu xiray codsadayaasha waxaa ka mid ahaa inay yihiin muwaadiniin Kenyaan ah, haystaan shahaado jaamacadeed oo waxbarashada ah oo ay bixisay jaamacad laga aqoonsan yahay Kenya, buuxiyaan shuruudaha cutubka lixaad ee Dastuurka Kenya, isla markaana leeyihiin ugu yaraan 10 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan waxbarashada, maamulka, maaraynta shaqaalaha ama maamulka maaliyadda.
Shanta musharrax ee la soo xushay ayaa la filayaa inay hortagaan guddiga xulashada Isniinta, 16-ka November 2026, xarunta TSC ee xaafadda Upper Hill, Nairobi.
Cheptumo Ayabei oo ka soo jeeda ismaamulka Baringo ayaa noqon doona musharraxa ugu horreeya ee wareysiga galeysa, saacadda 9:00 subaxnimo.
Waxaa ku xigi doonta Evaleen Mitei oo ka soo jeeda ismaamulka Uasin Gishu, iyadoo wareysigeedu bilaaban doono 10:00 subaxnimo.
Robert Odette oo ka soo jeeda ismaamulka Migori ayaa wareysigiisu bilaaban doonaa 11:00 barqanimo, waxaana xigi doona Lawrence Kaburu oo ka soo jeeda ismaamulka Tharaka Nithi, kaas oo la wareysan doono 12:00 duhurnimo.
Musharraxa ugu dambeeya ee wareysiga galaya ayaa noqon doona Farah Abdi Saman oo ka soo jeeda ismaamulka Mandera, kaas oo la wareysan doono 1:00 duhurnimo.
Musharraxiinta ayaa lagu amray inay la yimaadaan asalka kaararka aqoonsiga qaranka, shahaadooyinkooda waxbarasho iyo kuwa xirfadeed, iyo warqadaha dhibcaha waxbarashada.
Sidoo kale, waxaa laga doonayaa inay keenaan warqadaha caddeynta ah ee muujinaya inay waajibaadkooda ka soo guteen hay’adahan; Hay’adda Canshuuraha Kenya (KRA) , Guddiga Amaahda Waxbarashada Sare (HELB), Xafiis dayn-caddeyn oo sharciyeysan ,Waaxda Dambi Baarista (DCI).