Eric Mugaa oo sheegay in dowladda ay ka soo bixin ballanqaadkeedi ahaa in la dhiso biyo xireeno waweyn

0
379

Wasiirka Wasaaradda Biyaha dalka Eric Mugaa ayaa Baarlamaanka u sheegay in ilaa hadda aysan dhamaanin mashruucyada biyo xireenka waweyn ee ay dowladda balan qaaday, inkastoo maamulka madaxweyne Ruto uu damacsan yahay in uu ka dhiso 100 biyo xireen guud ahaan dalka.
Isagoo ka soo hormuuqday Barlamaanka Arbacada maanta ah Mugaa ayaa waxaa uu sheegay in iyadoo dhowr mashruuc oo biyo xireenno ah ay hadda socdaan, caqabadaha maaliyadeed ay si weyn hoos ugu dhigeen horumarka, gaar ahaan horumarka ballaaran.
Waxaa uu xusay in inta badan mashaariicdan loogu talagalay in lagu bixiyo iskaashiga dowladda iyo la howlgalayaasha gaarka ah (PPPs). Si kastaba ha ahaatee, qaybta biyaha ayaa ah waax ay faa’iidadeeda aad u hooseeyso oo aan soo jiidan karin maalgelin gaar ah.
Waxaa hadalkiisa horaan uga dhawaajisay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Alice Wahome oo aqalka Senet-ka ka soo hoor muuqatay bishii August ee sanadkii 2023-kii iyadhoo sheegtay in Wasaaradda ay la dhalaa dhacayso caqabado maalgelin.