Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ergeygiisa gaarka ah ee gobolka Bariga Dhexe Steve Witkoff uu toddobaadka dambe gaari doono dalka Ruushka.
Waxaa uu halkaasi ka sii wadaya wada hadallada ku aaddan soo afjaridda dagaalka Ruushka ee gudaha Ukraine.
Trump ayaa warfidiyeennada uu sheegay in Witkoff uu Ruushka tagi doono Arbacada mise Khamiista.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu rajeynaya in laga heshiiyo colaadda u dhexeysa dowladaha Ruushka iyo Ukraine si loo joojiyo dilalka dhacaya.
Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuuro culus soo rogi doono haddii Ruushka uu ka gaabiyo inuu dhawaan Ukraine la saxiixdo heshiis nabadeed.