Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee EPRA ayaa sheegay inuu 30-ka bishan oo berri ku beegan shaacin doono qiimaha cusub ee lagu kala iibsan doono badeecooyinka shidaalka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu baarlamaanka ansixiyay soo jeedin ahayd in canshuurta laga qaado shidaalka oo horay u ahayd boqolkiiba 8 in laga dhigo boqolkiiba 16 taasoo uu ugu dambeyn madaxweyne William Ruto qalinka ku duugay.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa dhankiisa soo saaraya tallaabooyin uu doonaya in dowladda dhexe looga hor istaago ama ay ku adkaato inay uruuriso canshuur dheeraad ah sida in la yareeyo isticmaalka shidaalka oo ay dadka inta badan lugeeyaan.