EPRA oo aan waxba ka beddelin qiimaha shidaalka ee March iyo April

0
76

Hay’adda Maamulka Tamarta iyo Shidaalka (EPRA) ayaa shaacisay in qiimaha shidaalka dalka uusan wax isbeddel ah ku imaan doonin wareegga bilaha Maarso ilaa April. Arrintan ayaa lagu shaaciyay war saxaafadeed la soo saaray gelinkii dambe ee shalay.
Hay’adda ayaa sheegtay in qiimayaashan ay ku jiraan 16 boqolkiiba canshuurta qiimaha kordhinta, iyadoo lagu saleeyay shuruucda maaliyadeed ee dalka iyo canshuuraha kale ee la cusboonaysiiyay.
In kasta oo ay sare u kaceen qiimaha badeecadaha shidaalka haddane EPRA ayaa sheegtay in qiimeynta lagu saleeyay maraakiibta shidaalka ee dalka soo gaaray intii u dhexeysay 10-kii Febraayo ilaa 9-kii bishan Maarso. In kasta oo ay jiraan walaac la xiriira xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan arrimaha ku xeeran Iiraan, dowladda ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso shirkadaha shidaalka si loo hubiyo in sahayda shidaalka ee dalka aysan hakad gelin.