Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa xoojisay dadaallada ay kaga jawaabayso fayraska Ebola kadib markii dalka la sheegay kiiskii ugu horreeyay, iyadoo sidoo kale la xoojiyay raad-raaca dadka xiriirka la sameeyay bukaanka.
Ilaa subaxnimadii Arbacada, 10 qof ayaa la dhigay xarumaha karantiilka, halka raad-raaca dadka xiriirka la sameeyay lagu aqoonsaday 57 qof.
Tiradaasi ayaa la filayaa inay korodho, iyadoo saraakiisha wasaaraddu ay goobaha ka sameynayaan dabagal ku saabsan dadka la sheegay inay xiriir la sameeyeen bukaankii ugu horreeyay ama ehelkiisa.
Sida ay sheegtay Xoghayaha Caafimaadka Dadweynaha, Mary Muthoni, oo shir ay yeesheen daneeyayaasha ku guddoomisay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, dalka ayaa weli heegan ku jira. Saraakiisha caafimaadka ee dalka oo dhan ayaa la hawlgeliyay si loo hubiyo in si degdeg ah looga jawaabo kiis kasta oo looga shakiyo Ebola.
Mary Muthoni waxay sheegtay in wasaaraddu si dhow ula shaqaynayso dowlad-goboleedyada iyo xarumaha caafimaadka ee ay maamulaan hay’adaha diimeed, si loogu diyaar garoobo haddii tirada dadka uu saameeyo cudurku ay korodho.
Xoghayaha ayaa sidoo kale dadka ka dejisay walaaca laga qabo faafitaanka fayraska halista ah, iyadoo sheegtay in Kenya aysan hadda ka jirin faafitaan Ebola ah, balse uu jiro kiis dalka dibadda looga soo geliyay oo hadda gacanta lagu hayo.
Saraakiisha wasaaraddu waxay sidoo kale dabagal ku hayaan dadka la sheegay inay xiriir la sameeyeen bukaanka, kuwaas oo qaarkood hadda ku jira xarumaha karantiilka ama go’doominta.
Aggaasimaha Guud ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, ayaa sheegay in dalka iyo dhammaan saraakiisha caafimaadku ay si dhow ula socdaan xaaladda. Wuxuu xaqiijiyay inay jiraan xarumo karantiil oo ku filan, isla markaana haddii loo baahdo la diyaarin doono xarumo ku-meel-gaar ah si wax looga qabto xaaladaha soo kordha.
Hadda, kormeerka caafimaad ayaa laga xoojiyay 15 goobood oo laga soo galo dalka, iyadoo xarumaha daaweynta laga hawlgelinayo dhammaan ismaamulada ku dhow xuduudaha dalka.
Sidaas darteed, shirka daneeyayaasha ayaa lagu go’aamiyay in si joogto ah loo qabto shirar lagu qiimeynayo tallaabooyinka dalka uu qaado iyo arrimaha weli u baahan in wax laga qabto. Isgaarsiinta iyo wacyigelinta xooggan ayaa loo arkaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii shacabka loo wargalin lahaa.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka, Kenya waxay leedahay 23 xarumood oo loogu talagalay go’doominta iyo daaweynta bukaannada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta KNH, Isbitaalka Adeegga Booliiska Qaranka, Isbitaalka Waxbarashada iyo Gudbinta ee Moi, iyo xarunta karantiilka ee ay maalgeliso dowladda Mareykanka oo ku taalla Saldhigga Ciidamada Cirka ee Laikipia ee Nanyuki, iyo kuwo kale.
Wasiirka Caafimaadka, Aden Duale, ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Kenya laga helay kiiskii ugu horreeyay, isla markaana uu dalka ka dhacay dhimashadii ugu horreysay ee cudurka Ebola noociisa Bundibugyo (BDBV), kadib markii bukaanku uu ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.
Iyadoo qayb ka ah diyaar-garowga lagu xakameynayo fayraska halista ah, dowladda Kenya waxay qorshaynaysaa inay abaabusho ku dhawaad 70 bilyan oo shilin Kenya ah, halka Wasaaradda maaliyadda ay markii hore u qoondeysay 2.6 bilyan oo shilin Kenya ah oo loogu talagalay gurmadka degdegga ah.
Sida ay sheegtay Wasarada maaliyadda, qayb weyn oo ka mid ah maalgelinta la filayo waxaa bixin doona hay’adaha iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
Dowladdu waxay sidoo kale sameysay sanduuq hordhac ah oo loogu talagalay wax ka qabashada Ebola, kaas oo gaaraya 2.6 bilyan oo shilin Kenya ah, si looga caawiyo Wasaaradda Caafimaadka diyaar-garowga iyo xakameynta haddii uu dalka ka dillaaco cudurka Ebola.




