Saraakiisha dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala degmada Ganze ee ismaamulka Kilifi Teddy Buya Bonaya.
EACC ayaa sheegtay in eedeysanaha la qabtay saaka.
Waxaa uu wajahaya eedeymo la xiriira inuu xaday islamarkaana uu siii iibiyay raashin gargaar ah oo lagu qiimeeyay 550,200 oo shilin.
Guddiga EACC ayaa intaasi ku daray in gargaarkaasi loogu tala galay dadka danyarta ah ee ku nool ismaamulka Tana River.
Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in berri maxkamad la soo taago.