Duullaanka militari ee ay Israa’iil ku qaadday magaalada Koonfureed ee Rafah ayaa dib u dhac ku keenay geeddisocodka wada hadallada lagu doonayay in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza.
Waxaa sidatan sheegay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamad bin Cabdulraxmaan bin Jassim Al Thani.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay madasha dhaqaale ee Qatar oo lagu qabtay magaalada Doha .
Waxaa uu xusay in toddobaadyadii ugu dambeeyay la dareemayay hor u socod dhanka wada xaajoodyada ah balse ay nasiib darro tahay in hadda uu jiro ismari waa u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Dowladda Qatar oo kaashanaysa Masar iyo Maraykanka ayaa bilooyin ku howlan in ay Israa’iil iyo Xamaas ku qanciso in xabbad joojin la qaato.