Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib duufaan xooggan oo saameysay Maraykanka.
Boqolaal kun oo isugu jiro guriyo la deggan yahay iyo xarumo ganacsi ayaa koronto la’aan ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la joojiyay in ka badan 3,000 oo duullimaadyo ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah shacabka Maraykanka ay u safrayeen deegaanadooda si ay ugu dabbaal degaan Christmas oo maanta dunida laga xusaya.




