Duqeymo ay ciidamada Ruushka ka geysteen gobolka ku hareeraysan caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, oo uu ku jiro ilmo.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Kyiv, iyadoo sidoo kale dab ka kacay qeybo ka mid ah magaalada.
Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday saddex goobood oo ku yaalla degmada Boryspil, oo wax yar ka baxsan magaalada Kyiv, sida uu sheegay madaxa maamulka gobolka, Tymur Tkachenko.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarrada.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in ciidamada gurmadka ay goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen ka wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo dadka waxyeelladu soo gaartay iyo daminta dabka




