Dowladda Yemen oo Xuutiyiinta ku eedeysay qarax ay ku dhinteen afar qof

0
59

Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa ku eedeysay kooxda fallaagada xuutiyiinta inay mas’uul ka yihiin qarax miino oo sababay dhimashada afar qof oo hal qoys ka tirsanaa gobolka Hodeidah.
Sida ay sheegtay dowladda, qaraxa oo dhacay habeenimadii xalay ayaa sidoo kale dhaawacay lix qof oo kale.
War-saxaafadeed ay dowladda soo saartay ayaa lagu sheegay in miinada la qarxiyay ay kooxda Xuutiyiintu hore ugu aastay deegaanka, iyadoo lagu eedeeyay inay si baahsan oo aan kala sooc lahayn u aasaan miinooyin, taasoo halis weyn ku haysa shacabka.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in qaraxii dhacay xalay uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa ee dhowaan ka dhacay gobolka Hodeidah.
Kooxda Xuutiyiinta ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha loo jeediyay.