Dowladda Sucuudiga oo Yemen ku daabulaysa saanad Milatery

0
56

Sacuudiga ayaa lagu warramayaa inuu hub iyo gaadiid dagaal ku daabulayo gobolka Hadramout ee dalka Yemen, kaddib markii ciidan ay taageerraan Imaaraadka Carabta ay isku ballaariyeen koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo la wareegay goobihii istaraatijiga ahaa ee ay ku sugnaayeen ciidanka uu taageerro Sacuudiga oo isugu jira ciidamo dawladda la aqoonsanyahay ee Yemen iyo qabaa’ilada degga gobolka Hadramout, halkaas oo Sacuudiga uu kala kulmay dharbaaxo, iyadoo mar horaba xiisadda Yemen lagu sheegay mid saameyn ku yeelan karta xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay Wakaalada wararka ee Clash Report.