Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu , Ndindi Nyoro ayaa sheegay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in shaqaaleysiin joogto ah loo sameeyo ardayda dhameeyay culuunta macallinnimada ee maray tijaabada shaqada kuwaasi oo hadda wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano JSS.
Barayaashan oo shaqo joojin ku guda jiro ayaa maalmihii ugu dambeeyay ismaamullada kala duwan ka dhigayay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in si joogto ah loo howlgeliyo.
Hasa ahaate, Ndindi Nyoro oo xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa xaqiijiyay in la fulin doono dalabaadka macallimiintan.
Waxaa uu xusay in sida ku qeexan qorshaha miisaaniyadeed ee 2024/2025-ka in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC loo qoondeeyay in ka badan 300 bilyan oo shilin oo uu qaab joogto ah ugu shaqaaleysiinaya barayaasha dugsiyada JSS.