Dowladda oo sheegtay in burburka daadadka ka soo gaaray kaabayaasha uu yahay in ka badan 80 bilyan

0
154

Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa sheegay in burburka roobabka culus ee da’ay iyo daadadka ka dhashay ay gaarsiiyeen kaabayaasha horumarineed uu qiimo ahaan kor u dhaafaya 80 bilyan oo shilin.
Mwaura ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in qiimahan uu keliya ku saabsan yahay waddooyinka.
Waxaa uu xusay in marka qiimeynta waaxyaha kale la dhameystiro la filaya in qiimaha khasaaraha uu kordho.
Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa dhanka kale sheegay in maanta aan la furin 44 ah dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare oo gaaraya 27 maadaama uu si wayn u burburiyay fatahaadka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dugsiyadan badankoodu ay ku yaallaan ismaamulka Nyeri waxayna kala yihiin 12 kuwa hoose dhexe ah iyo 16 sare.
Biyaha daadka ayaa buuxdhaafay fasallada iyo musqullada dugsiyadan.
Dhanka ismaamulka Kisumu waxay ardayda iyo macallimiinta gudaha u geli waayeen 5 dugsi ka dib fatahaadda Harada Lake Victoria .
Ismaamulka Galbeedka Pokot, labo dugsi ayaan la gelin ka dib markii ay biyaha ka buuxsadeen buundo looga gudbo.
Dhanka kale waxaa ismaamullada Tana River iyo Marsabit laga soo tabiyay 53 ah kiisaska cudurka daacuunka .
Issac Mwaura, afhayeenka dowladda dhexe ayaa laga soo xigtay in daadadka ay ku barakaceen in ka badan 113,000 oo qoysas ah guud ahaan wadanka .
58,009 oo ka mid ah qoysaskan ayaa ku barakacay caasimadda dalka ee Nairobi.
Sidoo kale waxaa weli la la’yahay 75 ruux iyadoo dhimashada guud ay maraysa 277 ka dib markii uu maalintii ugu dambeysay dhintay hal qof oo dheeraad ah.