Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi ayaa sheegay in dowladdu aynan hayn miisaaniyad ay si joogto ah ugu howlgelin karto macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS.
Arrintan ayuu Mbadi shaaca ka qaaday xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay u baahan yihiin kabitaan dhaqaale oo gaaraya 13 bilyan oo shilin.
Waxaa uu intaasi ku daray in xita hadda aynan suurtagal ahayn in la shaqaaleysiiyo 20,000 oo macallimiin dheeraad ah sidii ay horay dowladdu u ballan qaadday.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga cabsi qabo in shaqo joojin qaran ay saameyso dib u furka dugsiyada waddanka ee Isniinta soo socoto maadaama ay bareyaasha dalbanayaan in la dhaqangeliyo heshiis ku saabsanaa mushaar kordhin oo ay sanado ka hor la saxiixdeen guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.