Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay shaqaaleysiin doonto macallimiin dheeraad ah oo gaaraya 20,000.
Waxaa uu xusay in horay loo howlgeliyay 56,000 oo barayaal ah.
Shaqaaleysiinta macallimiinta cusub ayuu sheegay inay dhawaan billaaban doonto si loo wanaajiyo tayada waxbarashada ee wadanka.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay lacag dhan 46 bilyan oo shilin u qoondeysay nidaamka cusub ee maaliyadeed ee jaamacadaha halka 5 bilyan oo kale loogu tala galay machadyada lagu barto farsamada ee TVETs.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in 10 sano gudahooda meesha laga saaro qarashaadka hadda Kenya uga baxo inay cuntooyin ka soo iibsato dibadda oo ah 500 oo bilyan oo shilin.