Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga ee dalka , Moses Kuria ayaa shaaciyay inuu jiro qorsho dowladeed oo meesha looga saaraya baabuurta aan tayo ahaan wanaagsanayn ee isticmaala waddooyinka wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshahan uu dhaqan geli doono bilooyinka nagu soo aaddan.
Kuria ayaa xusay in muddo dheer laga fikirayay sida laga yeelaya baabuurta aan la sii adeegsan karin.
Wasiirka ayaa sheegay inuu kulan la qaatay maalgashato u dhashay Japan oo diyaar u ah inay aasaasaan shirkad qorshahan dhaqan gelin doonto.
Hasa ahaate waxaa uu tilmaamay in howshan loo fulin doono qaab aan waxyeello gaarsiinayn deegaanka.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in milkiilayaasha baabuurta duugoobay ay fursad u heli doonaan inay iska iibiyaan.
Home Wararka Kenya Dowladda oo shaacisay qorsho meesha looga saaraya baabuurta aan tayo ahaan wanaagsanayn