Dowladda oo shaacisay in Shiinaha uu barashada culuunta farsamada ku taageeraya 13 bilyan oo shilin

0
148

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in Kenya ay dowladda Shiinaha ka heshay deeq lacageed oo dhan 13 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loogu tala galay in lagu soo iibiyo agabka ay wax ku baran karaan ardayda dhigta machadyada farsamada ee dalka ee (TVETS).
Hoggaamiyaha dalka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri hoosta ka xarriiqay in deeqdan ay fududeyn doonto in qalabka farsamada loo soo iibiyo 70 ka mid ah xarumahan guud ahaan wadanka.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in siyaabaha dhallinyarada kenyaanka ah loogu abuuraya fursado shaqo oo ku saleysan horumarka tiknolojiyadeed ay ka mid tahay in deegaannada hoose laga hirgelinaya goobo leh adeegga intarneetka oo ay da’yarta ka baran karaan xirfadaha dhijitaalka ah si ay ugu shaqeystaan.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in sanad maaliyadeedkan ay dowladdu machadyada lagu barto farsamada ee TVETs u qoondeysay miisaaniyad lacageed oo dhan 28.3 bilyan oo shilin.
Waxaa uu xusay in qorshaha uu yahay in lacagtan la sii kordhiyo.
Sidoo kale dowladda dhexe ayaa shaqaaleysiinaysa 2,000 oo ah barayaal wax ka dhigaya xarumaha lagu barto culuunta farsamada ee dalka iyadoo la hiigsanaya in tiradan la gaarsiiyo 4,000.